Ciidamada Puntland oo Bosaso kusoo bandhigay labo nin oo sheegtay inay kufsi iyo dil u geysteen gabadh yar.

32

Ciidanka Amanka Puntland  ayaa gacanta kusoo dhigay labo nin oo Qirtey in ay kufsi iyo Dil iskugu Dareen gabar maydkedda laga heley Duledka Bosaaso

Kadib howlgal ciidamada amaanka Puntland ay ka  sameeyeen ayaa waxa ay gacanta kusoo dhigeen dhalin yaro lagu eedeeyay in ay kufsadeen kadibna ay dileen gabar lagu magacaabi jiray Naciima

falkan oo todobaadyo kahor kadhacay magaalada Boosaaso ayaa argagax ku abuuray bulshada kunool deegaanada maamulka Puntland Waxaana dhalinyaradan oo ah labo wiil oo dhalinyara ah  Ciidamada amaanka ay gacanta kusoo dhigeen ay qirteen in faldambiyeedka kufsiga iyo dilkuba ay geesteen

taliyaha booliska gobolka Bare gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud  ayaa warbaahinta usheegay in dadka deegaanka ay gacan kusiiyeen soo qabaahada dadka.

Naciima ayaa lasheegay in markii lakufsaday kadib lamariyay gaari ay wateen kuwii kufsaday waxaana dhacdadan ay qeyb kanoqonaysaa dhacdooyin siyaabo kaladuwan uga dhacay gudaha dalka oo lagu kufsaday gabdho kadibna la dilay