ciidamada Xasilinta Magaalada Galkacyo oo howlgalo ka wada Halkaasi .

29

Tan iyo markii Gaalkacyo uu ka dhacay Qaraxii Saraakiisha lagu laayay, Laamaha ammaanku waxaa ay wadaan howlgallo dheeraad ah oo ammaanka lagu xaqiijinayo

Ciidamada danab  qeybta deegaanada galmudug  kuwa xooga dalka iyo Ciidamada xasilinta ammaanka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka mudug oo maalmihii la soo dhaafay waday howlgallo kala duwan ayaa waxaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen rag looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab.

Howlgalka oo inta badan ka socday Koonfurta Magaalada Gaalkacyo  ayaa waxaa la sheegay in lagu qabtay labo Nin iyo Gaari ay wateen, kuwaasi oo ay gacantta ku dhigeen Laamaha ammaanka Magaaladaasi, waxaana la sheegayaa in raggaan laga shakisan yahay.

Waxaa ku socda Baaritaanno sida ay sheegeen laamaha ammaanka, iyadoo labada Nin ee la qabtay la sheegay in aysan qayb ka ahayn dadka degaanka, ayna yihiin labo ruux oo ku cusub degaanka sida la sheegay, kuwaasi oo laamaha ammaanku sheegayaan in ay kaga shakisan yihiin Shabaabnimo, haddana ay baaritaan ku wadaan.

Xubno ka tirsan laamaha Amniga ayaa waxaa ay  shabelle  u sheegeeyn in raggaasi ay hayaan, isla markaana baaritaano ay ku wadaan wixii kasoo baxana Warbaahinta la wadaagi doonaan.

Ciidamada Booliska Galmudug ayaa waxaa ay weli Magaalada Gaalkacyo ka wadaan howlgallo kala duwan oo ay ku baadi goobayaan dadkii soo abaabulay qarax ismiidaamin ahaa oo dhawaan ka dhacay magaalada Gaalkacyo.