Ciidamada Xeebaha Puntland oo Gacanta ku dhigay doonyo laga leeyahay Yemen.

46



Faahfaahino dheerad ah ayaa ka soo baxaya howlgalo Ciidanka amniga dowlad Goboleedka Puntland ee loo soo gaabsho Magacooda PSF ayaa gelinkii dambe ee Maanta howlgal qorsheysan oo dhinaca badda ah ka fuliyay xeebaha deegaano ka tirsan maamulkaasi Puntland.

Sidoo kale Ciidanka PSF oo watay doonyo nooca dheereeya ah ayaa howlgalka badda sigaar ah uga sameeyay xeebaha dhaca deegaanada Ceelaayo, Cadcado iyo degmada Laasqoray ee Gobolka Sanaag, kadib markii Ciidanka ay xog ka heleen xeebaha howlgalka laga fuliyay .

Saraakiisha hoggaamiyay howlgalkii Maanta ay fuliyaan Ciidanka xeebaha puntland ayaa sheegay in Ciidanka ay qabteen doonyo iyo saxiimado dhowr ah oo laga leeyahay waddanka Yemen, isla markaana haatan ay ku socdaan baaritaano kala duwan.

Doomankan la qabtay ayaa la sheegay in ay si sharci darro ah uga kallumeysanayay xeebaha deegaanada Maamulkaasi puntland.

Maamulka puntland ayaa waxaa ay billooyinkii ugu dambeyey ay wadeen howlgalo ka dhan ah burcada sida sharci darada ah uga jilaabta kalluunka.