Ciidamada XGDS oo la wareegay degaano ka tirsan Gobolka Baay

225

Wararka naga soo garaya Gobolka Baay ayaa tilmaamay in Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay saacadihii la soo dhaafay howlgallo kala duwan ka fuliyeen degaano ka tirsan Gobolka Baay oo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Ururka nabad diidka Al-Shabaab.

Sidoo kale wararak ayaa sheegaya in Howlgalka ay Ciidamada Ururka 45aad Guutada 8aad Qeybta 60aad ay ka fuliyeen tuulooyin ku yaalla duleedka degaanka Goof Gaduud Buurey.

 saraakiisha howlgalka hoggaamineysay  ayaa sheegay  inay tuulooyinkaasi ay  kula wareegeen Nabad diidak Al-shabab.

Taliyaha Ururka 45aad Guutada 8aad ee Qeybta 60aad  ayaa shaaciyay inay Cidiamada Dowladda la wareegeen tuulooyinka kala ah, Eel Dhuun Adeegow, Kaawada Buula Jadiid, Hareera Jiifa iyo degaano kale, halkaas oo mararka qaar lagu arki jiray Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Taliyaha ayaa tilmaamay in Ciidamada ay howlgallada sii wadi doonaan ilaa iyo inta ay  ka saarayaan degaannada iyo meelaha kale ee Gobolka Baay oo ay weli kaga sugan yihiin Maleeshiyadda  Al-Shabaab.