Wararka ka imaanayya gobolka shabeelada hoose ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay ciidamada xoogga dalka howlagalo ay kasameeyeen deegaano iyo tuulooyin katirsan gobolka shabeelada hoose oo ay maamulayeen Al-shabaab
Howlgalkla oo ahaa mid qorsheesan ayaa waxaa horboodayay taliyaha ciidamada lugta xooga dalka soomaaliyeed jeneral Maxamed Tahliil Biixi waxaana ciidamada ay kasameeyeen tuulooyin hoostaga deegaanka Mara Cade ee gobolka Shabeelada Hoose
Howlgalkan ayaa la sheegay in ciidamada dowlada ay kusoo qabteen sida ay sheegeewn saraakiisha ciidamada dowlada xubno katirsan Al-shabaab
Taliyaha ciidamada lugta ciidanka xooga dalka soomaaliyeed Jeneral Maxamed Tahliil Biixi oo lahadlayay dadka kunool tuulooyinka ay howlgalada ka sameeyeen ayaa sheegay in ay bur buriyeen maxkamad ay maamulayeen Al-shabaab isagoo kula dardaaramay in ay kala shaqeeyaan amaanka
Ciidamada xooga dalka ayaa xoojiyay howlgalada kadhanka ah Al-shabaab oo ay kawadaan deegaanada iyo tuulooyinka dhaca gobolka Shabeelada Hoose, waxaase Al-shabaab laf ahaantooduba ay qaadaan weeraro ay labeegsadaan fariisimooyinka ciidamada dowlada iyo kuwa nabad ilaalinta ay kuleeyihiin qeeybo badan oo kamid ah gobolka Shabeelada Hoose