Ciidamada Xoogga dalka oo gubay gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa

40

Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee gor-gor oo howlgal kawada degaano hoosyimaado afgooye iyo balcad ee gobolada shabeelada hoose iyo Shabeelada dhexe ayaa waxeey fashiliyeen gaari xaamul oo noocisu ahaa dhayno islamarkaasna maleeshiyaadka al-shabaab ay kasoo buuxiyeen waxyaabaha qarxa oo ay doonayeen inay kudhibaateeyaan shacabka soomaaliyeed.

Gaariga ayay ciidanka kugubeen degaanka walamooy iyo daniga beeraha meel udhexeeysa wabigana ujirta 3-km.

Sidookale ciidanka kumaandooska xoogga dalka ayaa howlgalka kudilay horjoogihii maleeshiyaadka al-shabaab uqaabilsanaa degaanka basro kaasi oo lagu magacaabo Ismaaciil Siidoow iyo 3 maleeshiyaad oo kale.

Howlgalka waxaa qeyb ka ah guutooyinka sadaxaad iyo todobaad ee xoogga dalka soomaaliyeed kuwaasi oo ka kala howlgala shabeelooyinka.