Ciidamada Xoogga dalka oo qaraxyo ka soo saaray duleedka degmada Awdheegle

39

Ciidamada Xoogga dalka ayaa ku guuleystay inay soo saaraan qaraxyo miino, kadib howl-gallo ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose.

Howl-gallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa si gaar ah u fuliyey ururka 66-aad Guutada 14 Octeber ee sugan degmada Awdhiigle ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Axmed Maslax oo ah taliyaha Ururkaasi ayaa sheegay in qaraxyo dhowr ah ay ku soo qabteen hawlgallada, kaas oo si gaar ag looga sameeyey dhinaca bari ee degmada Awdheegle ee gobolkaasi.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ay sii xoojin doonaan hawl-gallada ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab ee ay ka wadaan gobolka Shabeelaha Hoose.

Ciidamada huwanta ayaa muddooyinkii la soo dhaafay xoojiyey dhaq-dhaqaaqyada milatari ee ay ka wadaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.