Ciidamada xoogga iyo kuwa AMISOM oo ku baxay deegaano ka tirsan shabeellad dhexe

93

Wararka ka imaanaya gobolka shabeellada dhexe ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay  ku baxeen  tuulooyin ku yaala baadiyaha degmada Raaga-ceelle oo laga soo sheegay  dhaq-dhaqaaq ay wadaan dagaalameyaasha Al-shabaab.

Ciidamada amniga ayaa la sheegay in ay baadi goobayaan  dagaalamayaashii Al-shabaab ee sida dhuumaaleysiga ku tagay tuulooyinkaas waxaana hada dagan xaalada degmada Raaga-celle.

Guddoomiyaha degmada Raaga-ceelle  ayaa sheegay in aysan jirin wax cabsi ah oo laga qabo Al-shabaab amnigana wanaagsanyahay.

Dhinaca kale, dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa wali ku sugan tuulooyin ka tirsan magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabeelle.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo Jowhar ayaa soo sheegaya in Al-shabaab ay ku suganyihiin tuulooyinka kala ah Warciise, Doondheere iyo Shamiindo.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay Maamulka HirShabeelle