Ciidamada Xoogga oo la wareegay deegaano ku yaalla Sh/Hoose

58

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo howl-gallo ka wada gobolka Shabeelaha Hoose ayaa maanta la wareegay deegaano hor leh oo ku yaalla gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay la wareegeen gacan ku heynta deegaanada kala ah Daaru-Slaam, Mubaarak, Aybutey iyo Buulo-Sheekh oo ka tirsan Sh/Hoose.

Saraakiisha ciidamada Xoogga dalka Soomalaiyeed ayaa tilmaamay in howl-galladaasi ay khasaare xoogan ku gaarsiiyeen dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada Milatari ee ka socda gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

Maalmihii u dambeeyey ciidamada huwanta ayaa xoojiyey howl-gallada kooxda Al-Shabaab looga xoreynayo gobolkaasi.