Ciidamo Badan Oo Lagu Daadiyay Magaalooyin Ka Tirsan Somaliland

34

Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Booliska Somaliland ayaa labadi habeenkii ee ugu dambeeyay lagu soo daadiyay waddooyinka waaweyn ee Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Maamulka, iyadoo amniga la adkeeyay.

Ciidamada oo isugu jira Milateri iyo Boolis ayaa baaritaano kala duwan ku sameeynaya gaadiidka isticmaalaya waddooyinka Hargeysa, sidoo kalena dhalinyarado qaarkood ay ku arkaan hareeraha laamiga weydiinaya su’aalo la xiriira dhinaca amniga.