Ciidamo Cusub oo la wareegay Amniga Xarunta Baarlamaanka Puntland

24

Faahfaahin dheerad ah oo laga helaayo  Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay sirasmi ah loogu wareejiyay Amniga Ciidamo Boolis ah Xarunta Baarlamaanka Puntland ee Magaalada Garoowe.

Tallaabadaan ayaa kad ambeeysay, kaddib markii Isnintii todobaadkaan ayugu baaqeen madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni in uu waxka qabto Amniga Xarunta Baarlamaanka, iyaga oo sheegay in Guddoomiyaha Baarlamaanka uu Xarunta ku afduubtay Ciidamo u gaar ah.

Sidoo kale Xildhibannada ayaa waxaa ay ku eedeeyeen Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland in Ciidamada horay u jeeogay xarunta ay ahaayeen kuwo uu ku caburinayay xildhibaannada ka aragtida duwan, isla markaana u adeegaya guddoomiyaha.

Ciidamada Booliska ah ayaa waxaa ay dhamaan la wareegeen Goobihii ay ku sugnaayeen Ciidamada laaga wareejiyay, waxaana loogu talo galay inay sugaan Amniga Xarunta Baarlamaanka Puntland ee Magaalada Garoowe.

Dhinaca kale Maalmaha soo socda ayaa waxaa la filayaa inay bilaawdaan wada-hadallo lagu xalinaayo khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Xildhibaannada & Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland.