Ciidamo gadoodsan oo qabsaday degmada Gelinsoor iyo xaaladda oo kacsan

81

Ciidamada Daraawiishta Galmudug ee dhawaan tababarka loogu soo xiray Xerada dhanka-roone ayaa maanta sameeyey gadood cabasho ah

Wararka ayaa sheegaya in ciidankan oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka iyo hub culus ay qabsadeen qeybo ka mid ah degmada Galinsoor ee gobolka Mudug halkaasoo ay dhigteen labo jidgooyo, iyagoo gaadiidka u diidaya inay maraan.

Arintan ayaa sababtay in gaadiid badan oo u kala gooshayey gobolada dalka ay ku xayirmaan Galinsoor.