Ciidamo Hubeysan oo la wareegay Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheraadka Badda

33

Faahfaahin dheerad ah ayaa waxa ay ka soo baxayaan  Ciidamo hubeysan oo ka tirsan Maamulka puntland oo maanta la  wareegeen Xarunta Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Puntland oo ku taalla Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Ciidamada hubeysan ee  qabsaday Xarunta Wasaaradda Kalluumeysiga ayaa waxaa la tilmaamay  inay ka gadoodsan yihiin helitaanka Mushaaraadkooda oo aysan helin muddo dhowr bilood ah, taasina ay keentay inay qabsataan Xarunta Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Puntland.

Sidoo kale  Ciidamada la wareegay Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ayaa Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda iyo Agaasimaha guud u diideen inay xarunta isaga baxaan, iyagoona halkaas weli ku xayiran .

Dhinaca kale  Ciidanka hubeysan ayaa ka cabanaya in loo diray howlgal la xariira la dagaalanka Maraakiibta Jariifka ah ka wada xeebaha Maamulka Puntland gaar ahaan agagaarka Xeebta Magaalada Boosaaso.

Ciidamada ayaa gebi ahaan xeray  Waddooyinka soo gala iyo kuwa kabaxa Xarunta Wasaaradda, isla markaana gaadiidka noocyadiisa kala duwan iyo dadka u diidaya inay maraan halkaas.

Ilaa iyo hadda ma jiraan wax  war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Sare ee Maamulka Puntland oo ay uga hadlayaan Ciidanka Gadoodsan ee maanta  la wareegay Xarunta Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ay ku leedahay Magaalada Boosaaso .