Ciidamo Howlgal Ka Sameeyay Xaafaddo Ka Tirsan Magaalada Baladweyne

13

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa habeenkii xalay aheyd waxaa ay howlgalo saacado socday ay ka sameeyeen xaafaddo ka tirsan Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Inta uu socday howlgalka Ciidamada ayaa waxaa ay baaritaano kala duwan ku sameeynayeen gaadiidka noocyadiisa kala duwan ee waddooyinka isticmaalayay, iyagoona su’aalo la xiriira amniga weydiinayay dadka saarnaa gaadiidka ay baarayeen.

Sidoo kale Ciidamada ayaa su’aalooyin kale weydiinayay dhalinyaro ay kula kulmeen hareeraha wadda laamiga, isla markaana u sheegayay inay muhiim tahay ka shaqeynta nabadgalyada iyo ka hortega wax kasta oo amni darro ah.

Saraakiisha Ciidamada Maamulka Hirshabeelle ee hoggaaminayay howlgalka la fuliyay ayaa sheegay in ujeedka howlgalka laga sameeyay Magaalada Baladweyne  uu yahay mid lagu doonayo in lagu xoojiyo amniga Magaaladaas.

Saraakiisha Ciidamada ayaa laamaha amniga qeybahooda kala duwan faray inay dardar-geliyaan howlaha lagu xaqiijinayo amniga Magaalada, sidoo kalena shacabka ka dalbaday inay wadashaqeyn la yeeshaana laamaha amniga Maamulka.

Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa kamid ah Magaalooyinka loo asteeyay inay ka dhacaan doorashooyinka Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka gaar ahaan kuwa kasoo jeeda degaanada Hirshabeelle.