ciidamo ka tirsan booliiska Kenya oo qarax lagula eegtay xadka somaliya

37

shan askari oo ka mid ah ciidamada booliiska ee wadanka Kenya ayaa si daran ugu dhaawacmay qarax miino oo la lagula bartilmaameedsaday deegaan ka tirsan Mandera oo ku dhaw xadka somaliya

taliyaha ciidamada booliiska ee gobalka waqooyi bari Rono Buni  ayaa sheegay in askarta qaraxa lala eegtay ayaa galbinayeen basas ay saarnayeen dad rakaab ah oo isaga kala gooshayey inta u dhaxeysa magaalooyinka Mandera iyo Nairobi

mr Buni ayaa intaasi ku daray labo ka mid ah askarta ay xaaladooda wanaagsan tahay halka saddexda kalena xaalada caafimaad ay liidato iyadoo loo cararay isbitaal ku yaala deegaanka

mid ka mid ah gaadiidka basaska ayaa la sheegay inuu dul maray miino dhulka lagu aasay xilli uu marayey inta u dhaxeysa deegaanada jabibar iyo ramu oo ka tirsan maamulka Mandera ee dalka Kenya

taliyaha booliiska ee gobalka waqooyi bari ayaa xusay in ciidamo dheeraad ah loo diray halka uu qaraxa ka dhacay

lama oga cida ka dambeysay weerarkaasi qasaaraha gaystay balse inta badan dagaal yahano ka tirsan xarakada alshabaab ayaa howl galo ka fuliyey deegaano ku yaala gudaha Kenya

dalka Kenya oo xad dheer la leh Somaliya ayaa sannadihii la soo dhaafayey la kulmayey mowjado weeraro ah oo ay ku soo qaadaan ragg ka tirsan alshabaab oo ka soo gudba xadka labada wadan

alshabaab oo weeraro dhowr ku dilay askar badan oo ka tirsan ciidamada Kenya ayaa sidoo kale dad ka soo afduubta gudaha wadan Kenya