DEG-DEG: Ciidamo ka tirsan Dowlada oo maanta ku dagaalamay Degmada Kaaraan

43

Wararak aan ka helyno degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ayaa Sheegaya in Ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ay maanta ku dagaalameen xaafado ka tirsan degmadaasi .

Wararak ayaa intaasi ku daraya in dagaalka uu si gaar ah ka dhacay Xaafad lagu magacaabo Cade-cade ee degmada Karaan ee magaalada Muqdisho.

Khasaraaha ka dhashay dagaalkaasi ayaa lagu sheegay Inta la xaqiijiyay shan qof oo shacab ah ay ku geeriyooday, kadib markii ciidamo ka wada tirsan dowladda ay halkaasi ku dagaalameen maanta.

Ilaa iyo Hadda Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay  laamaha ammaanka ee dowladda federaalka soomaaliya eek u aadan dagaalkaasi .

Inta badan magaalada Muqdisho ayaa waxa ka dhaca Dagaal U dhaxeeyo ciidamo kawada Tirsan Kuwa dowlada  kuwaasi sababa Qasaaro  Soo gaarta dadka shacabka ah