Ciidanka Booliska Haramcad Oo Fuliyay Howlgal Dad Lagu Soo Qab-Qabtay

40

Ciidamada Booliska maamulka Hirshabeelle iyo kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgal amniga lagu sugayo ka sameeyay Xaafadaha Magaalada Jowhar ee caasimadda Dowlad goboleedka Hrshabeelle.

Howlgalkan ayaa ujeedkiisu ahaa adkeynta amniga magaalada, waxaana muddada uu howlgalka socday ciidamada waxay baarayeen gaadiidka, goobaha ganacsiga, guryaha iyo dadka qaar oo ciidamadu ay ku tuhmeen in ay qeyb ka yihiin falalka amni daro ee magaalada ka dhaca.