Kadib howlgal ay Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ka fuliyeen degaan lagu magacaabo Lafaha Ragga oo udhow birta dheer islmarkaasna magaalada kismaayo ee Xarunta Jubada hoose u jira 60 KM ayaa Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ay sheegeen inay la waregeen degaankaas.
Howlgalka ayaa waxaa sigaar ah u fuliyay Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee danab gaar ahaan ururka 5-aad ayaa Taliyaha Guutada 16-aad kumaandooska xoogga dalka danab G/le Ismaaciil Cabdimaalik Maalin uu sheegay inay khasaaro ku gaarsiiyeen Al-Shabaab.
Waxaa uu sidoo kale sheegay inay Ciidamada siiwadi doonaan howlgallada ka dhan ah Al-Shabaab si ay uga saaraan deegaannada ay maamulaan ugana hortagaan weerarada ay fuliyaan.