Ciidanka Danab Oo Howlgal Qorsheysan Ka Fuliyay Shabeelada Hoose

123

Ciidamada Kumaandoosta Soomaaliyeed ee DANAB ayaa waxaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen Xaafado ka tirsan degmada Kuntuwaareey ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Saraakiisha DANAB ee howlgalka hoggaamineysa ayaa waxaa ay sheegen in howlgalka uu ahaa mid Guri guri ah,isla markaana ay galeen Guri uu deganaa Sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab,balse lagu dilay weerarkii Ciidamada ku qabsadeen degmada Kuntuwaareey.

Sidoo kale saraakiisha waxaa ay sheegeen in howlgalka ay Ciidamada guriga kasoo bixiyeen Taleefoono, Dekumintiyo, Calamo, Cajalado ay ku qaldaan Caruurta iyo agab kale oo aad u badan waa sida ay hadalka u dhigeen.

Ciidamada Kumaandoosta Soomaaliyeed ee DANAB ayaa weli ku sugan degmada kuntuwaareey, waxaana ay Saraakiishu sheegeen in howlgallada ay sii socon doonaa ilaa iyo degaannada Shabeellaha Hoose ay ka saarayaan Al-Shabaab.