Ciidanka Dowladda Iyo Al-shabaab Oo Ku Dagaalamay Baardheere

44

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dagaal culus oo degmada Baardheere ee gobolka Gedo ku dhex-maray Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhiga ciidamada ay dowladda geysay Gobolka Gedo degmada Baardheere,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo socday ku dhawaad Saacad.

Dadka degmada Baardheere ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen Ciidamada Dowladda & Al-Shabaab, hayeeshee aysan cadeyn karin khasaaraha ka dhashay maadaama ay aheyd xilli habeen ah.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa Warbaahinta waxaa ay u sheegeen inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab, isla markaana khasaaro xoogan ay gaarsiiyeen.

Wararkii ugu dambeeyay ee saaka aan ka heleyno degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa waxaa ay sheegayaan in xaalada degmada ay tahay mid degan, hayeeshee Ciidamada Dowladda ay howlgallo ka wadaan duleedka degmadaas.