Ciidanka Dowladda Iyo Kuwa Koonfur Galbeed Oo Sameeyay Howlgal Wadajir Ah

11

Ciidamada Xoogga dalka oo kaashanaya Ciidanka Booliiska ,Nabadsugida iyo kuwa  Daraawiishta Maamulka Koonfur Galbeed ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgal ka dhan ah Al-shabaab ka fuliyay degaano ka tirsan Gobolka Baay..

Ciidamada Xoogga ayaa howlgalka inta uu socday si gaar ah uga fuliyay wadada xiriirisa Deeganka Deynuuney, Magaalada Baydhabo iyo Deegano kale oo dhowr ah oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-shabaab.

Taliyaha qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Jeneraal Maxamed Sheekh Cabdullaahi Ciirow oo howlgal hoggaaminayay ayaa sheegay in ujeedka howlgalka la sameeyay uu ahaa mid lagu xaqiijinayay amniga degaano hoostega Deeganka Deynuunay.

Taliska qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga ma shaacin wax khasaaro ah oo ka dhashay howlgalka intii uu socday, hayeeshee waxaa ay sheegeen oo kaliya in Ciidanka Xoogga iyo kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed ay sameeyeen howlgalo ka dhan  Al-shabaab.