Ciidanka Dowladda oo fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhan ah Al-shabaab

12

Ciidanka Xoogga dalka ee ka qeybta 27-aad eek a howlgala deegaanada Maamulka Hirshabeelle ayaa howlgal ballaaran oo ka dhan ah ahaa Al-shabaab saacadihii lasoo dhaafay ka sameeyay deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Ciidamada Xoogga dalka ayaa inta uu socday howlgalka sigaar ah uga fuliyay deegaanada Aboorey,  Beero-yabal, Wariirey, Galboocale ilaa Yasooman, kuwaa oo dhammaantiood hoostaga degmada Buulo-burte ee Gobalkaas.

Howlgalka ayaa qeyb ka ah howlgalka sida guud uu ciidanka xoogga uga wadaan deegaano ka tirsan Hirshabeelle, kuwaasi oo Saraakiisha Ciidanka ay ku sheegeen inay ku doonayaan in Al-shabab looga saaro halkaas.

Taliyaha Qeybta 27-aad ee Ciidanka Xooga dalka General Tareedisho oo Hor kacaya howshaa ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in horumar weyn laga sameeyay howlgalka.

Si kastaba Ciidanka Xoogga dalka ayaa maalmihii lasoo dhaafay howlgal ka dhan ahaa Al-shabaab ka waday deegaano ka tirsan Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, waxaana halkaas ka dhacay dagaalo xoogan oo u dhexeeyay Ciidanka iyo Al-shabaab, isla markaana dagaalada ay ka dhasheen khasaaro badan dhaliyey.