Ciidanka Dowladda oo la shaaciyay inay si ula-kac u dileen Guddoomiyihii Hodan

29

Xeer Ilaaliyaha guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Jeneraal Cabdullaahi Buulle Kameey ayaa ka hadlay natiijada baaritaanka dilkii loo geystay Guddoomiyihii hore ee degmada Hodan ee Gobolka Banaadir Cabdixakiin Dhaga-juun.

Xeer Ilaaliye Buulle oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa waxaa uu sheegay in dilkii loo geystay Allaha u naxariistee Cabdixakiin Dhaga-juun uu ahaa mid dhacay si kula kac ah, ayna ku ogaadeen baaritaanka ay sameeyeen Guddiga loo xil saaray kiiskaas.

Waxaa uu sheegay Xeer Ilaaliyaha guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida inay bilaabi doonaan eed ka dhan ah dadka loo heysto inay ka dambeeyeen dilka loo geystay Guddoomiyihii degmada Hodan oo ay dileen Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka.

Sidoo kale Jeneraal Cabdullaahi Buulle Kameey ayaa tilmaamay in maanta oo Axad ay shaaca ka qaadi doonaan magacyada dadka loo heysto kiiska, isla markaana sharciga la marsiin doono, lana mudeyn doono Maxkamadda.

Guddigii loo xil-saaray baaritaanka dilkii Cabdixakiin Dhaga-juun ayaa shalay natiijada baaritaanka dilka u gudbiyay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Qaranka, waxaana Wasiirka amniga Xasan Xundubeyn uu Qoyska Marxuumka u rajeeyay inay heli doonaan Cadaalad.

Si kastaba Allaha u naxariistee Guddoomiyihii hore ee degmada Hodan ee Gobolka Banaadir Cabdixakiin Dhaga-juun ayaa 21-kii Janaayo lagu dilay, xili habeen ah Is-rasaaseyn ka dhacday meel ku dhow Isgoyska Howlwadaag ee Gobolka.