Ciidanka Dowladda Oo La Wareegay Degaan Ka Tirsan Gobolka Mudug

90

Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ayaa la wareegay deegaan dhaca Koonfurta Gobolka Mudug oo dhawaan isaga baxeen Al-shabaab, sida ay sheegayaan wararka la helayo.

Ciidamada ayaa la wareegay gacanta ku heynta deegaanka Caad oo la sheegay in Saldhig ay ku lahaayeen xubno ka tirsan Al-shabaa, waxaana haatan ku sugan Ciidanka dowladda Federaalka.