Ciidanka maamulka Galmudug ayaa si buuxda ula wareegay ammaanka degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan, waxaana dhawaanahaan degmadaasi ka taagnaa is qab-qabsi dhanka maamulka ah, waxaana xusid mudan in amaanka Matabaan uu hadba gacanta u galo Ciidamo kala taabacsan Hir-shabeelle iyo Galmudug.
Ciidanka Booliska degmada Guriceel ayaa la sheegay in ay si buuxda ula wareegeen ammaanka degmda, waxaana in muddo ah bandhig ku samaynaya Degmada Matabaan Ciidamo uu hogaaminayo Taliyaha booliska Guriceel Cismaan Cali Hudeey.