Ciidanka Xoogga dalka oo burburiyey saldhigyo ay lahayeen Al-Shabaab

36

Ciidanka kumaandooska Gor-Gor iyo guutooyinka 7-aad iyo 3-aad ee xoogga dalka ayaa hawlgal qorsheysan waxay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolada shabeelada Hoose dhexe iyo shabeelada Dhexe.

Hawlgalka ayaa ciidanka waxey ku bur-buriyeen maxkamad beenaadyo kooxda Alshabaab ay lahaayeen, kuwaasi oo ay dadka uga yeeri jireen, islamarkaasna ku baadi jireen, waxaana sidoo kale ciidanka ay hawlgalka ku dileen horjoogihii argagixisada u qaabilsanaa deegaanka basro oo hoos-yimaado degmadda Afgooye, iyaggoo fashiliyay qaraxyo lagu soo raray gaari xamuul ah.

Taliyaha ciidanka xoogga s/guuto Odawaa Yuusuf Raage, ayaa sheegay in ujeedka hawlgalka uu yahay bur-burinta goobaha nabad diidka dadka ay ku baadaan, isaggoo xusay in ciidanka ay cagta mariyeen goobo badan oo Alshabaab ay ku dhuuman jireen.

Jenaraal Odawaa ayaa sidoo kale tilmaamay in ciidanka xoogga ay u diyaarsan yihiin siddii dalka oo dhan looga sifeyn lahaa argagixisada laga itaalka roonaaday.

Geesiyaasha Xoogga dalka ayaa dar-dar geliyey hawlgalada lagu baacsanayo maleeshiyada kooxda Alshabaab.