Ciidanka X Dalka Oo Bur-buriyay Saldhigyo Al-shabaab ay kulahaayeen Gobolada Shabeelooyinka.

39

Sarakiisha Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee gor-gor iyo guutooyinka 7-add iyo 3-aad xoogga dalka soomaaliyeed ayaa sheegay in maalmihii ugu dambeeyay howlgal bur-burin ah kawadeen degaano katirsan gobolada shabeelada dhexe iyo shabeelada hoose.


Howlgalka ayaa ciidanka waxeey kubur-buriyeen maxkamad beenaadyo al-shabaab ay lahaayeen kuwaasi oo ay dadka uga yeerijireen islamarkaasna kubaadi jireen sidookale ciidanka ayaa howlgalka kuqaarijiyay horjoogihii al-shabaab uqaabilsanaa degaanka basro oo hoosyimaado degmada balcad sidookale ciidanka xoogga dalka ayaa fashiliyay gaari deeyno ahaa oo al-shabaab qarax ay kusoo rareen.


Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu yahay bur-burinta goobaha al-shabaab dadka ay kubaadaan islamarkaasna goobo badan ciidanka ay bur-buriyeen.


Taliye Odawaa ayaa sidookale tilmaamay in ciidanka xoogga dalka ay udiyaarsanyihiin sidii dalka oo dhan looga sifeeynlahaa argagixisada al-shabaab.


Tuulooyinka ciidanka xoogga dalka howlgalada ay kawadaan kuwaasi oo ka kala tirsan gobolada shabeelada dhexe iyo shabeelada hoose ayaa waxaa kamid ah 1 buulo kuunte, 2 dhaniga baalow, 3 Bashiro, 4basro one, 5 basro geeshaa, 6 basro beledu raxmo, 7 basra busley, 8 basra Harare, 9 mooyaale, 10 kulanta, 11 garasweyne, 12 istanbuul, 13 maalimaay, 14 walamow, 15 muryaale, 16 deegaanley (dugsiga nabadsugida) 17geed faqay, 18 buula iidow, 19 bedelo aaamin, 20 baldooos, 21 alifow, 22 baqdaad, 23 buulo yarey,24 kaxarow


Dhamaan deegaanadaan ayaa waxa ay ciidaamada xooga dalka soomaaliyed ay ka fuliyeen howl galo qorsheysan oo ay ku baacsanayaan maleeshiyaadka al-shabab ee ku dhuumaaleysanayan