Ciidanka XDS oo howl-gallo qorsheysan ka fuliyay degaanno ka tirsan Gobolka Mudug

54

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee Danab ayaa Gacanta kusoo dhigay xubno lagu tuhunsan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, ka dib howl-gallo qorsheysan oo ay ka sameeyeen nawaaxiga Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka Danab ayaa sheegay in Dadka ay soo qabteen oo u badan Dhallinyaro ay marsiin doonaan baaritaanno, kadibna ay sii deyn doonaan Qofkii ay dembi ku waayaan.

Saraakiisha ayaa waxay sidoo kale sheegeen in howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ay sii wadi doonaan qorshahuna uu yahay in ay u ruqaansadaan degaannada ay Argagixisadu kaga dhuumaalaysanayaa Gobollada Mudug iyo Galgaduud.