Ciidanka Xooga Oo Kuntuwaareey Ku Gubay Beer Uu ka Baxo Xashiishka

74

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya beero xashiish uu ka bixi jiray oo maanta ciidanka xooga dalka ay ku gubeen degmada Kuntuwaareey ee gobolka Shabeelada Hoose.

Ciidamada xooga dalka oo maalmo kahor Al-shabaab kala wareegay Kuntuwaareey ayaa sheegay in beertaasi xashiiska ee dabka ay qabad siiyeen ay ku taalay goob ay horay u maamuli jireen Al-shabaab.

Al-shabaab oo inta badan lagu yaqaanay in ay ka hor yimaadaan muqaadaraadka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa aad ula yaabay saraakiisha ciidanka xooga dalka ee Beerta Xashiiska ah ee Kuntuwaareey maanta gubay.

Maamulka gobolka Shabeelada Hoose ayaa so dhaweeyay in Al-shabaab laga saaro degmada Kuntuwaareey iyadoo maamulka gobolka uu balan qaaday in uu diyaarinayo adeegyada degmo ay u baahantahay degmada Kuntuwaareey.

Ugu danbeyntii maamulka gobolka Shabeelada Hoose oo uu hogaamiyo gudoomiye Najah ayaa isku diyaarinaya baacsi ka dhan ah Al-shabaab oo tuulooyin yar yar uga sugan gobolkaShabeelada Hooose.