Ciidanka Sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Xoogga Dalka ee Danab ayaa sheegay in howlgal qorsheysan ka fuliyay wadda xariirisa degaanada Qoryooleey iyo Janaale ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Howlgalkaan oo ahaa mid qorsheysan ayaa Saraakiishu waxaa ay carrabka ku dhufteen in howlgalka lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab oo sida ay sheegeen ku sugnaa tuulooyin xariiriya Jannaale iyo Qoryooleey ee Gobolka Shabellaha Hoose.