Ciidanka Xoogga dalka oo toogasho ku dilay labo ka tirsan argagaxisada Al-Shabaab

36

Kadib howlgal lagu baacsanayay Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo ay ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka fuliyeen degaanka Awdiinle oo qiyaastii magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay u jira 30km ayay ku dileen labo ka tirsan argagixisada Al-Shabaab, halka laba kalena nolosha ay ku qabteen iyo hubkii ay wateen oo ay kala wareegeen.

Taliyaha Qeybta 60-aad ee Xoogga dalka Jeneraal Maxamed Sheekh Cabdullaahi Cismaan ayaa Idaacadda Ciidamada Qalabaka Sida u sheegay in howlgalka uu ahaa mid qorsheeysan ayna fulinayeen guutada 8-aad qeybta 60-aad ee Xoogga dalka,  islamar kaana argagixisada qasaare lagu gaarsiiyay.

Taliyaha qeybta 60-aad Jeneraal Maxamed Sheekh ayaa tilmaamay in howlgalka uu qeyb ka yahay howlgallada dalka looga saarayo argagixisada Al-Shabaab.