Ciidanka xoogga oo Al-Shabaab ka soo furtay caruur badan

54

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya  gaar ahaan ururka 143-aad ee guutada 14 October ayaa howlgal ka dhan ah Al-shabaab saacadihii lasoo dhaafay ka sameeyay tuulooyin hoostaga deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Taliyaha Ururka 143 Aad ee Guutada 14 October Dhamme Axmed Xasan Siyaad oo hogaaminaayay hoowlgalka ayaa u sheegay warbaahinta Qaranka  inta uu socday howlgalka inay ku dileen xubno ka tirsan nabadiidka  Al-shabaab oo gaaraya 16 dagaalame.

Dhamme Axmed Xasan Siyaad waxa uu sidookale sheegay in Howlgal Ciidamada ay kusoo bad baadiyeen Caruur ay Al-shabaab u tababarayeen Qaraxyada

Taliyaha oo ka hadlayay Caruurta ay Al-shabaab kasoo furteen  tiradooda  ayaa ku sheegay in ay Gaarayaan 40 isagoona xusay in nabadiidka ay Caruurtaan kasoo Afduubteen qaar ka mid ah Gobolada Dalka.