Ciidanka Xoogga Oo Sheegay In Ay Dileen Sarkaal Ka Tirsan AL-Shabaab

90

Saraakiisha Ciidanka Dowladda ayaa sheegay in ay dileen Sideed dagaaalame oo  kamid ah  Alshabaab, oo uu ka mid yahay Sarkaal ay Magaciisa ku sheegeen Mukhtaar Nuurow oo Al-shabaab u qaabilsanaa Gobolka Baay, waxaana ay intaas ku dareen in ay ku dileen degmada Diinsoor, sida uu sheegay taliyaha ciidanka.

Sareeyo guuto Odawaa Yuusuf Raage, oo la hadlay Idaacadda codka ciidamada qalabka sida, ayaa xaqiijiyay dilka Sarkaalkaasi, isagoo intaas ku daray in dilka uu dhacay markii Al-shabaab ay isku dayeen in ay carqaladeeyaan amniga degmada Diinsoor.