Ciyaar aad u xiiso badan oo Galabta dhex mari doonto Xulalka KGS iyo Gobola Banaadir.

32

Xulka kubada cagta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya (Libaaxyada) ayaa galabta kulan kula balansan Xulka kubada cagta gobolka banaadir  kulan ka tirsan tartanka dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo ka socda caasimada dalka ee Muqdisho.

Ciyaarta Galabta ayaa waxaa wada balansan labadda koox ee ka kala socda Dowlad Goboledka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Kooxda ka socota maamulka gobolka Banaadir

Ciyaartan ayaa ah mid aad u xiiso badan marka laga soo tago xifaaltanka labadan xul, balse waxaa ku hoos duugan labddan maamul goboeled oo ah kuwa deris ah si aad ahna isu yaqaano marka laga hadlayo Ciyaaraha .

taageerayaal badan ayaa galabta la filaya in ay soo buux dhaafiyaan Garoonka ,

Ciyaartooyda Xulka Dowlad Goboledka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxa ay wadana diyaargarowgii ugu dmabeyay ee tartanka Galabta .