Waa sanadkii saddexdad oo uu marti galinayo tartankan garoonka cawska macmalka ah uu yaalo ee Eng Yariisow (Ex Koonis),
Caadiyan tartankan waxaa ka qeyb qaata shan maamul goboleed iyo gobolka Banadir, kuwaas oo kala ah Koonfur Galbeed, Jubbaland, Puntland, Galmudug, Hirshabeelle,iyo Gobolka Banaadir.
Qofna iskama indho tiri karo In kani uu yahay tartanka ugu daawashada badan gudaha dalka, haddana sanadkan wuu ka sii xiiso badan yahay sanadihii hore, maadaama wajiyo cusub lagu arki doono.
Tartankan lama qaban labo sano xiriir ah, balse sanadkan ayaa waxa soorta gashay in la qabto
Xulka kubada cagta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya (Libaaxyada) ayaa galabta kulan kula balansan Xulka kubada cagta dowlad goboleedka Jubbaland (Maroodiyaasha) kulan ka tirsan tartanka dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo ka socda caasimada dalka ee Muqdisho.
Ciyaarta Galabta ayaa waxaa wada balansan labadda koox ee ka kala socda Dowlad Goboledka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Kooxda ka socota Dowlad Goboleedka Jubaland
Ciyaartan ayaa ah mid aad u xiiso badan marka laga soo tago xifaaltanka labadan xul, balse waxaa ku hoos duugan labddan maamul goboeled oo ah kuwa deris ah si aad ahna isu yaqaano marka laga hadlayo Ciyaaraha .
taageerayaal badan ayaa galabta la filaya in ay soo buux dhaafiyaan Garoonka ,
Ciyaartooyda Xulka Dowlad Goboledka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxa ay wadana diyaargarowgii ugu dmabeyay ee tartanka Galabta .
Shalay ayey aheyd markii ciyaarta lagu furay labadda koox ee ka kala socotay Xulka Banaadir iyo Maamul Goboleedka Galmudug.Ciyaartaasi oo ku soo idlaatay barbar dhac