Ciyaartooyda KGS oo lagu soo dhaweeyey Baydhabo

43

Wasiirka wasaaradda dhalanyarada iyo ciyaaraha dowlada koonfurgalbeed mudane ibrahim Adan Ali Najah oo uu hoggaaminaaye xulka ciyaartoyda koonfurgalbeed ayaa soo dhoweyn maamuus sare leh maanta loogu sameeyay magaaladda Baydhaba ee xarunta gobolka bay

Xafladda so dhaweynta oo ka dhacday goroonka diyaaradaha ee shaati gaduud ayaa waxa ka soo qayb galay masuuliyiin isugu jirra xilibaano wasiiro iyo qaar kamida bulshada rayidka intaasi kadib waxa goobtaasi ka hadlay wasiir ibrahim Adan Ali Najah oo warbixin kooban ka siiyey guulihi ay soo hoyeen xulka kubadda cagta koonfur galbeed iyo hab dhaqankii foosha xuma lagula dhaqmay libaax yadda xulka kubadda cagta koonfur kalbed

Inta kadib wasiirka wasaaradda dhalan yarada iyo ciyaaraha dowlada koonfurgalbeed mudane ibrahim Adan Ali Najah ayaa umahad celiyey bulsha weynta kaso qeyb gashay so dhaweynta xulka kubadda cagta dowlada koonfur galbed iyo masuliyiinta xilibaanada wasiirada iyo maamulada heer gobol iyo degmo iyo gudoomiyaha barlamaanka dowlada koonfur galbed