Codadka Doorashada Uganda Oo La Tiriyay Iyo Museveni Oo Hoggaanka U Haya

77

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa ku horreeya codadka la tiriyay ee doorashada madaxtinnimo, sida ay muujinayaan natiijooyinka horudhaca ah ee uus saakay shaaciyay guddiga doorashada.

Mr Museveni ayaa helay 1,536,205 codad ah (65.02%), halka ninka ay is hayaan ee Robert Kyagulanyi, oo loo yaqaanno Bobi Wine, uu heysto 647,146 codad ah (27.39%) kuwaasoo laga soo ururiyay ila 8,310 oo goobaha codbixinta ah.