Codsi Ay Dowladda Soomaaliya Ugu Biiri Laheyd Urur Oo Dib Loo Dhigay

36

Shirka ayaa inta uu socday waxaa looga hadlay Codsi dowladda Federaalka Soomaaliya u gudbisay ururka EAC oo ahaa ku biirista Madaxda Ururka dalalka Bulshada Bariga Afrika oo ay Soomaaliya dooneyso inay kamid noqoto ururkaas.

Bayaan kasoo baxay Shirka Madaxda dalalka Bariga ayaa waxaa lagu sheegay in Codsiga Soomaaliya ee ku biirista ururka aan weli la aqbalin, isla markaana dowladda Federaalka looga baahan yahay inay sugto waqti dheeraad, ayna wada-hadal la wadaagto dalalka xubinta ka ah Ururka.