Culumada Galmudug oo soo saaray Baaq Nabadeed.

29

Gollaha sare ee Culumada deegaanada maamulka Galmudug ayaa Caawa baaq kasoo saarey xiisado dagaal oo ka taagan Deegaano ka tirsan Galmudug.

Kulan oo Caawa Dhuusamareeb ay ku yeesheen Mas”uuliyiinta Gollaha Sare ee Culumada Galmudug ayaa waxaa ka soo baxay baaq nabadeed.

Kulankan culumada oo uu shir-gudoon ka ahaa Sheikh Muxudiin Yuusuf barre, Guudomiyaha gollaha sare ee culuma Galmudug ayaa laga soo saarey baaq lagu dalbanayay in la joojiyo colaadaha kasoo cusboonaadey deegaanada Saaxo iyo Xananbuure oo kakala tirsan Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Baaqa Culumada ayaa waxaa lagu dalbaday in la joojiya dagaal beeledyada soo noqnoqday ee ka dhaca Galmudug.

Sheikh Abdiwali Haji Diirite Af-hayeenka Culumada Galmudug oo goobta ka aqriyay baaqa culumada ayaa ka dalbadey waxgaradka beelaha iyo Madaxda Galmudug in loo wada istaago baajinta dhiiga shacabka.