Cumar Filish oo dhagax dhigay Xarun Degmo oo dib u dhis lagu sameynayo

16

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta dhagax-dhigay Xarunta Degmada Cabdicasiis ee Magaalada Muqdisho taasi oo dib u dhis balaaran lagu sameyn doonno.

Guddoomiyaha Gobolka ayaa sheegay in dib-u-dhiska Balaaran ee lagu sameenayo Xarunta Degmada Cabdicasiis ay qeyb ka tahay Mashaariicda dib-u-dhis ee Maamulka Gobolka Banaadir ka fulinayo xarumaha danta guud ee loogu adeego Bulshada Caasimada, isagoo kula dar-daarmay in shacabka ay ilaashadaan goobaha danta guud ee dib-u-dhiska lagu sameeyay.

Dhagax-dhigaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Kusimaha Guddoomiyaha Degmada Cabdicasiis, Qaar ka mid ah Agaasimayaasha Maamulka Gobolka Banaadir iyo Shacabka Degmada Cabdicasiis.

Horey ayuu Maamulka Gobolka Banaadir dib-u-dhisyo balaaran ku sameeyay Dhowr Xarumood oo ka tirsan 17 Degmo ee Gobolka Banaadir, iyadoona qorshaha Maamulka uu yahay sidii loo tayeyn lahaa Xarumaha loogu adeego shacabka si bulshada ay u helaan adeegyadii ay u baahnaayeen.