Cumar Filish Oo Ka Hadlay Bannaanbax Ka Dhacay Muqdisho

52

Bannaanbaxa ayaa ahaa mid si heer sare ah loo soo agaasimay, waxaana ka qayb galay qaybaha kaladuwan ee Bulshada Gobolka Banaadir iyo Mas’uuliyiin  kala duwan oo isugu jiray Xildhibaanno,  Wasiirro iyo Mas’uuliyiinta ugu sarreysa Gobolka Banaadir.

Bannaanbaxa oo si weyn looga dareemay Magaalada ayaa waxaa si gar ah uu uga dhacay Taalada Daljirka, waxaana goobta soo buux dhaafiyay shacab aad u tira badan oo si nabdoon ku muujinayay Bannaanbaxooda, iyadoo si weyn u taaageeray Go’aankii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed farmaajo uu ku saxiixay 13-ka kursi ee Gobolku uu ku yeelan doono Golaha Aqalka sare.