Cumar Filish oo ka qeybglay dood lagu qabtay magaalada Muqdisho + Sawirro

26

Madashaan oo uu soo agaasimahay Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa waxaa ka qayb galay guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane, Cumar Maxamuyd Maxamed (cumar filish ), Ku-xigeynka Maamulka iyo Maaliyadda Gobalka Banaadir, Axmed Xasan Iimaan, Hoggaanka rugta ganacsiga iyo qaybaha kala duwan ee ganacsatadda Gobolka Banaadir, waxaana inta badan diiradda lagu saaray dhibaatooyinka haysta ganacsatada iyo kaalinta kaga bannaan maamulka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha rugta ganacsiga Maxamuud Cabdikariim Gabeyre, ayaa sheegay in ganacsatadu ay kaalin weyn ku leeyihiin horumarka iyo kobaca dhaqaale ee Gobolka Banaadir balse ay jiraan caqabaddi ku xeeran ganasatadda Muqdisho, taasi oo looga fadhiyo maamulka Gobolka Banaadir, xal u helideedda.

Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobalka Banaadir, Axmed XasanIiimaan, ayaa tilmaamay in madashan ay tahay kala war-qaadassho si loo gaaro hadaf guusha ganacsiga ee Caasimadda oo tartan kula jirta Caasimaddaha Dhiggeedda ah, waxaa uuna adkeeyey in ganacsataddu tahay gacanta ugu weyn ee horumarinta Gobolka Bamaadir iyo cidda uu ku tiirsan tahay.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudame, Cumar Maxamuud Maxamed (cumar filish), oo madasha hadalka kooban ka jeediyey ka hor doodda ayaa sheegay inay jiraan guulo iyo horumaro kala sameeyey iskaashiga  Gobolka Banaadir iyo ganacsatadda Soomaaliyeed sido kale ay jiraan caqabaddo u baahan in la isku garabsiiyo si looga gudbo.

“Aad iyo aad ayey muhiim noogu tahay in madashan la isku wareysto maxaa horumar ah oo la taaban karo oo iskaashigii iyo wadda shaqayntii laga gaaray iyo sido kale maxaa caqabaddo ah oo jira, waxana rajeynaya inay soo bixi doonan tallooyin wax ku ool ah oo lagu xalin karo dhibaatooyinka taagan” ayuu yiri duqa Caasimadda muqdisho, Cumar maxamud Maxamed (cumar filish).