Tuesday, December 7, 2021
Bogga Hore Wararka Manta Cumar Filish oo shir Gudoomiyay kulan looga hadlayay horumarinta Daqliga Gobolka Banaadir

Cumar Filish oo shir Gudoomiyay kulan looga hadlayay horumarinta Daqliga Gobolka Banaadir

68

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa shir gudoomiyay kulan looga hadlayay horumarinta Daqliga gobolka Banaadir si loo fuliyo mashaariic wax ku ool ah oo anfacda bulshada iyo bilicda Caasimadda.

Kulankan waxa goob joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee maamulka gobolka Banaadir ahna gudoomiye ku-xigeenka maamulka iyo Maaliyadda gobolka Banaadir, agaasimayaasha daqliga iyo mas’uuliyiin kale.