Dab khasaare kala duwan geystay oo ka kacay deegaanka Bacaadweyn

146

Dab dhaliyey Khasaare kala duwan ayaa ka kacay degaanka Bacaadweyn ee Gobolka Mudug, waxaana lasoo sheegayaan in uu jiro khasaare xoogan oo dabkaasi uu gaysatay.

Dabka ayaa ka kacay Kaalin shidaal oo deegaankaas ku taallay, waxaana dhawaacyo ay kasoo gaareen dad shacab ah, inta la xaqjjiyay in 9 ruux ayey waxyeelo kasoo gaartay dabkaasi.

Gurmad iyo dadaalo aysameeyeen maamulka Magaalada iyo dadka degaanka, waxaana lagu guulaysatay in la damiyo, inkastoo uu jiro khasaare xooggan oo soo gaaray hanitidii goobtaas taallay.