Dab Khasaaro Xoogan Geystay Oo Ka Kacay Warshad Ku Taalla Baladweyne

59

Dab xoogan oo socday saacado xiriir ah ayaa waxaa habeenkii xalay aheyd uu ka kacay Warshad sameeysa Joodariyaasha ee ku taalla Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan, waxaana kasoo baxaya faah faahino.

Dabka oo markii horey qeyb kamid ah ka kacay Xarunta Warshada ayaa markii dambe kusii faafay qeybo kale oo Xarunta ah, waxaana dabkaas uu socday saacado oo la isku dayay in la demiyo.

Dadka deegaanka iyo Maamulka Baladweyne oo sameeyay dadaalo kala duwan iyaga oo adeegsanayay biyo iyo Carro ku guuleystay deminta dabkii xooganaa ee ka kacay Xarunta Warshada sameeysa Joodariyaasha ee ku taalla halkaas.