Dab xoog leh oo mar kale ka kacay Dekadda Beirut ee Lubnaan

64

Dab xoog leh ayaa qabsaday dekedda caasimadda Lubnaan ee Beirut, ka dib markii wax ka yar bil ay halkaasi ka dhaceen  qarax weyn uu baabi’iyay dhismayaasha dekedda iyo goobaha kale ee k u dhowaa.

Ma jiro wax war ah oo degdeg ah oo ku saabsan waxa sababay dabka manta oo Khamiis ah mar kale qabsaday dekedaasi

Ciidanka Lubnaan ayaa sheegay in dabku ka kacay bakhaar ay ku jireen saliid iyo taayirada

Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee ciidamada ayaa ka qeyb qaadanayay dadaalada lagu daminaayo dabkaasi.