Dabley hubeysan oo toogasho ku dishay wasiir ka tirsan maamulka HirShabelle

50

Allaha u naxariistee waxaa caawa magaalada Jowhar lagu dilay,  Nuur Xaashi Warsame oo ahaa wasiiru dowlaha wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee dowlad goboleedka Hirshabelle.

Marxuumla oo sidoo kale ahaa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka maamulkaasi ayaa waxaa toogasho ku dilay kooxo hubeysan oo goobta ka baxsaday.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale gaaray meesha ay wax ka dhaceen.

Si kastaba ha’ahaatee dowaan ayey aheyd markii magaalada Jowhar lagu dilay wasiirkii beeraha iyo waraabka maamulka HirShabelle.