Dabley Hubeysan oo Weerartay Gaari Siday dad Shacab ah

38

Dablay hubeysan ayaa weerar ku qaaday gaari Siday dad Shacab ah oo marayay gobolka Galgaduud.

Inta la xaqiijiyay hal Qof ayaa ku dhaawacmey kadib markii dablay hubeysan ay rasaas ku fureen gaari dad shacab ah siday oo ka baxay deegaanka Balamballe kunasii jeeday Deegaanka Qaran oo ka tirsan gobolka Galgadud.

Kooxda hubeysan ee Falkaasi geysatay ayaa la tilmaamay in ay goobta ka baxsadeen,waxana Halkaasi horay uga dhacay dagaal beeleedyo soo noqnoqday

Dhacdadaan ayaa la xiriirta aanooyin qabiil uu u dhaxeeyo labo Beeled walaalo ah oo in mudaba ka dhex jirtay taaso salka ku heyso xoolo dhaqatada kuwada nool miyiga deegaanka Balambale ee Gobolka Galgadudu oo qeyb ka ah Maamulka Galmudug

Madaxda Dowlad Goboledka Galmudug ayaa wali ka hadlin dhacdooyinkaasi soo laablaabtay ee tiro dhowr jeer ah ka dhacay Galmudug xilli Ciidanka Galmudug ay wadeen bilihii lasoo dhaafay dadaalli looga hortaagyo dagaal beeleedyadasi

Dhinaca kale waxa jira baaqyo ka imanaya dhanka waxgaradka deegaanda Galmudug ay u jeedinayaan in lagu joojiyo diriirta .