Dad Banaanbax dhigayey oo lagu rasaaseeyay Garoowe

141

Wararka ka aan ka helayno Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxaa  ay sheegayaan  in  ciidamo ka tirsan maamulka Puntland ay dad shacab ah ku rasaaeeyeen halkaas, waxaana ka dhashay khasaare soo gaaray dadka.

Ugu yaraan seddex qof ayaa ku dhawaacmay kadib markii ciidamo ka tirsan maamulka Puntand ay rasaas ku fureen dad ka cabanayay lacag canshuur ah oo ay sheegeen in wasaardda ganacsiga maamulka Puntland ay waydiisatay, taasi oo la sheegay in ay bulshada ku nool Garoowe ay ka xumaadeen.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay  in dadkii dhaawacmay goobaha caafimaadkan loola cararay, waxaana la kala eryay dadkii shacabka ahaa ee cabashadooda kusoo bandhigay gudaha magaalada garoowe.

Weli Booliska iyo hay’adaha ammaanka Puntland kama hadal rasaasta maanta ciidanka Ammaanka ay ku fureen  dadka shacabka ah ee maanta  bannaanbaxa dhigayay.