Dad faafinayey diinta Kirishtaanka oo lagu xiray magaalada Hargeysa

69

Ciidamada Somaliland ayaa howlgal ay sameeyeen todobaadkaan waxa ay gacanta kusoo dhigeen laba ruux oo ay sheegeen inay degaannada Somaliland ku faafinayeen diinta kirishtanka.

Gaashaanle Sare Feysal Xiis Cilmi oo ah afhayeenka Booliska Somaliland ayaa sheegay in labada qof ay ahaayeen dad ka baxay diinta Islaamka,sidoo kalena dadka ku dhex faafinayay Diinta Kirishtaanka.

Afhayeenka ayaa sheegay in labada qof ay qabteen ay yihiin kuwo Qur’aanka Kariimka iyo Cilmiga kale ee diinta kuwo si wanaagsan u yaqaaneeyn,isla markaana ay u gudbiyeen Maxkamadda si Cadaaladda loo marsiiyo.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay dhamaan dadka ku nool deegaannada Somaliland inay ka feejignaadaan falalka noocaas oo kale ah cid allaala cidii aragtana  Booliska ay si deg deg ah ugu soo wargeliyaan.